Published On: Mon, Mar 20th, 2017

Madaxweynaha Ghana oo magacaabay Golaha wasiirrada ee ugu badan Taariikhda Afrika!

Madaxweynaha Dalka Ghana Nana Akufo-Addo,ayaa difaacay magacaabidda Golaha wasiirrada ee ugu badan Taariikha Qaaradda Afrika kaddib markii uu dhawaan ku dhawaaqay golahiisa Wasiirrada.

Nana Akufo-Addo,ayaa waxaa uu magacaabay 110 Wasiir oo ay yeelaneyso Dowladda uu madaxweynaha ka yahay,waxaana uu ku adkeystay magacaabiddan.

Wareysi uu siiyay TV-ga Qaranka ee Dalkiisa ayuu ku sheegay in ay dadka ka wal walsanyihiin halka uu qarash uga keeni doono golahan wasiirrada ee tirade badan,waxaana uu sheegay  in wasiirrada uu u magacaabay in ay shaqeeyaan ee uusan u magacaabin in ay dalxiis tagaan.

Golaha Wasiirrada ayaa ka kooban 56 Wasiir,50 Wasiir ku xigeen iyo 4 Wasiiro madaxtooyo ,waana wasiirradii ugu badnaa taariikhda waddamada Afrika iyada oo Dadka Ghana ay gaarayaan 27 milyan oo Qof.

65%Golaha wasiirrada waxaa ay ka soo galeen Baarlamaanka dalkaas waxaana uu sheegay in Mushaarka ay ku qaataan Baarlamaanka kaliya ku ekaan doonaan si uu u dhimo qarashka badan eek u bixilahaa 110ka Wasiir ee uu magacaabay.

42; ka mid ah 50ka wasiir ku xigeen waxaa ay ka tirsan yihiin baarlamaanka dalkaas ,waxaana uu madaxweynaha sheegay in Wasiirrada uu u magacaabay shaqo adag in ay qabtaan.

Ololahii doorashadiisa ayuu ka sheegay in uu la dagaallami doono musuqa hareeyay Ghana waxaana uu xusay in dalka uu ku sameynayo Maalgalin Caalami ah.

56-da Wasiir waxaa ay ku dhawaaqeen Hantiga gaarka ah ee ay leeyihiin waxaana ay ka diiwaan geliyeen Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Ghana.

Mr Ado,ayaa sheegay in Dowladdiisu ay Dakhliga dowladda ka kordhin doonto 3.6% islamarkaana gaarsiin doonto 6%,sidoo kalena ay dhimi doonto qarashka kororkiisu hadda yahay 9% kuna celin doonto 6%.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300