Published On: Mon, Mar 20th, 2017

Gaas oo xilkii ka qaaday Agaasimihii la dagaallanka Burcad Badeedda,sababta

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali maxamed Cali gaas,ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Hay’adda la dagaallanka Burcad Badeedda ee Maamulka Puntland.

Warqad uu soo saaray Gaas ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadista C/Risaaq Duceysane oo ahaa Agaasimaha Hay’adda la dagaallanka Burcad badeedda Puntland.

Wareegtada Gaas laguma caddeyn sababta xilka looga qaaday duceysane waxaase la rumeysan yahay in ay sababtay hadal uu sheegay Duceysane kaddib markii Dhallinyarada heysatay Markabka ay sii daayeen.

Duceysane ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay in markabka xoog looga soo furtay dhallinayarada heysatay Markabkaas islamarkaana ay ahaayeen Burcad Badeed.

Odayaasha degmada caluula iyo Saraakiil ka mid ah Maamulka Puntland aya Dhallinyarada heysatay Markabkaas ku qanciyay in ay shuruud la’aan ku siidaayaan taas oo ay aqbaleen waxaana uu markabka hadda ku soo jeedaa Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300