Published On: Sun, Mar 19th, 2017

Safaaradda Somaliya ee Yemen oo shacabka ugu baaqday in ay ka tagaan dhulka Xuutiyiinta

Cadan: Qunsul Axmed Suudaani waxa uu  Soomaalida ku Nool Gobolada ay Colaadauhu kusii Fidayaan ee Yemen ka codsaday iney Tagaan Magaalada Cadan.

Qunsulka ayaa sheegay in Gobollada ay gacanta ku hayaan xuutiyiinta Yemen ay ku wajahanyihiin dagaallada isbahaysiga uu sucuudigu hoggaamiyo waxaana uu Soomaalida gobolladaas joogto ugu baaqay in ay Cadan tagaan.

Waxaa uu intaas ku daray in Magaalada Cadan ay maamusho Dowladda Yemen ay dadka tagaan haddii ay ku noolaan waayaanna iska diiwaan geliyaan Safaaradda Soomaaliya ee Yemen halkaas oo uu sheegay in ay safaaradda u fududeyn doonto in ay Soomaaliya ku soo laabtaan.

Axmed Suudaani,ayaa sheegay in Dowladda Yemen ay hadda maamusho Cadan islamarkaana dadka Soomaalida ah ay tagi karaan magaaladaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300