Published On: Sun, Mar 19th, 2017

Nabad Sugidda Galmudug oo sheegtay in ay qabteen Hoomey miineysan

Cadaado: Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Galgaduud Nabad Sugida Galmudug ayaa gacanta ku dhigtay gaari Homey ah oo ay saarnaayeen waxyaabaha Qarxa.

Gaariga ayaa laga soo qabtay inta udhexeysa Degmada Cabduwaaq iyo deegaanka Xanaanguur ee waqooyiga Galgaduud.

Gaariga la qabtay ee Saarnaayeen walxaha qarxa ayaa lala qabtay laba Nin oo gaariga saarnaa.

Taliyaha Nabad Sugida Galmudug Saadaq Cumar Xasab, ayaa Warbaahinta  usheegay in Gaariga iyo ragii la socdayba ay keeneen Cadaado.

Gaashaanle Sare Saadaq ayaa sheegay in maanta ay Saxaafada usoo bandhigi doonaan waxyaabaha Qarxa ee qabteen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300