Published On: Sun, Mar 19th, 2017

Booliska K/Galbeed oo guul ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Booliska Koofur Galbeed ayaa guul ka sheegtay dagaal iyaga iyo Al-shabab ku dhexmaray degaan u dhaxeeya Baydhaba iyo Qansax-dheere.

Taliyaha oo ka waramayay howlgalkii ay ka sameeyeen  inta udhexeyso Baydhabo iyo qansax dheere waxa uu Tilmaamay in wadada xiriira degmooyinkaas hada la isku furay

Xubno isaga uu kujiro ayuu Inoo Sheegay iney maanta socod ku mari doonaan wadooyinkaas ay Isu Fureen.

Cabdulle Isaaq; oo ah Taliyaha Booliska gaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in intii uu socday dagaalka u dhaxeeyay iyaga iyo Al-shabaab ay Guri ku gubeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saddex ka mid ah Askartooda ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen howlgalka lagu furayay Wadada  xiriirisa Baydhaba iyo Qansaxdheere.

Taliye Isaaq,ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 7 Askari,3na ay nolosha ku qabteen oo ay hadda ku hayaan saldhig ay ku leeyihiin Baydhaba.

Waxaa uu taliye Isaaq,sheegay in hadda waddooyinka Baydhaba iyo Qansax-dheere ay isu furannyihiin ayna ka sareen Al-shabaab oo gar gaar la gaarsiin karo halkii la doono.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300