Published On: Sun, Mar 19th, 2017

Baarlamaanka oo dalbaday in Xukuumadda deg deg loo soo dhiso

Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dalka iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya in si deg deg ah loo soo dhiso Xukuumadda cusub ee Somaliya ee laga sugaayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mahad Cabdalla Cawad oo ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa xarunta Baarlamaanka wuxuu ka sheegay inay ka dalbadeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha deg deg in loo soo dhiso Xukuumadda.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka inay u ambabaxayaan deeganada ay ka soo jeedaan si ay uga qayb galaan gurmadka abaaraha ee dalka ka socda, isaga oo intaasi raaciyay inay sugayaan kaliya Xildhibaanada ansixinta Xukuumadda cusub kaliya.

“Waxaan ka codsanay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha howl waliba oo la qabanaayo in Xildhibaan deegaan doorashadaas lagu wargeliyo, hadii la tagayana lagu wargeliyo, waxaan ka codsanay in Xukuumadda deg deg loo soo dhiso, waxaanu ku nidhi Xildhibaanada meesha fadhiya deeganadooda ayeey kuligood u socdaan dadkooda inay dhibka la soo qaybsadaan ayeey u socdaan, waxayna u joogaan kaliya ansixinta Xukuumadda cusub, si Xildhibaanada ay deeganadooda u aadan oo gurmadka abaaraha ay si toos ah uga qaybgalaan.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Sida sharciga uu qabo Ra’iisal Wasaaraha dalka, waxaa uga harsan inta Dastuurka uu u ogol yahay in Xukuumadda lagu soo dhiso, muddo 11 maalin ah, maadaama Dastuurka uu siinaayo muddo 30 cisho ah in Golaha Wasiirada lagu soo dhiso.

Caqabad ayaa weli ka taagan ku dhawaaqista Golaha Xukuumadda cusub ee Somaliya, taasi oo xoogeeda ka imaanaysa beelaha Somaliyed ee wax loo qaybinaayo.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la hadal hayaa todobaadkaan gudihiisa inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300