Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Xukuumadda Juba oo lagu dhaliilay hub iibsi

Guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku dhaliilay dowladda South Sudan in ay miisaaniyad ballaaran u qoondeysay milaterigeeda, xilli ay macluul ka taagan tahay qeybo ka mid ah dalkaasi.

Khubarada ayaa sheegay in xukuumadda Juba ay ku dhawaad kala bar miisaaniyadeeda guud ku kharash gareyso ammaanka iyo hub iibsi, ayadoo boqol kun oo qof ay gaajo qarka u saaran yihiin colaadda dalkaasi ka taagan awgeed.

Qaramada Midoobay ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in macluul ay ka dilaacday qeybo ka mid ah gobolka Unity ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Gobolkaasi ayaa ah halka uu kasoo jeedo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar, waxaana dowladda lagu eedeeyay in ay dad badan halkaa ku layday.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa warbixin aan weli la shaacin ku sheegay in Golaha Ammaanka looga baahan yahay in uu cunaqabateyn dhanka hubka ah saaro dalkaasi, walow taasi ay adag tahay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300