Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Shabaab oo soo bandhigay ciidan horay uga goostay dowladda

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay ciidan ka goostay dowladda Federalka Somaliya, kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso 46 Askari, balse hal mar aanan wada goosan.

Ciidankaan ayaa muddo saddex bilood ah waxaa lagu tababaraayay Machad Shabaab ay ka fureen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasi oo lagu baraayay fekerka Ururka Al Shabaab.

Munaasabad ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa lagu soo bandhigay askartaan oo tiradooda ay gaareyso 46 ruux, kuwaasi oo hadda qaatay fekerka Shabaab, diyaarna u ah inay la dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka Sheekh Abuu Cabdalla oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigaayay ciidankaasi, ayaa sheegay ciidamadan inay hadda diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah dowladda, halka shalay ay la dagaalamayeen Shabaab.

Wuxuu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay maanta soo bandhigaay 46 Askari oo dowladda ka tirsaneyd, balse hadda u xuubsiibtay Shabaab.

Qaar ka tirsan ciidamada oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigaayay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka ciidamada dowladda.

Al Shabaab ayaa goob ku aruuriya ciidamada dowladda ka tirsan ee iska dhiiba Gobolada ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300