Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Ruushka oo Gantaalaha S-400 ka iibinaya Turkiga, shuruudse ku xiray

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay heshiis dhanka Hubka ah la gashay Dowladda Ruushka waxaana ay ka dooneysaa Gantaalada Difaaca Diyaaradaha ee S-400 loo yaqaan.

Dowladda Ruushka ayaa oggolaatay in ay Turkiga ka iibiso hubkaas laakiin waxaa ay ku xirtay Shuruud ah in  Hubkaas uusan Turkiga ku darin Hanaanka Difaaca ee NATO oo uu Turkiga Xubin buuxda ka yahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga Fikri Isik; ayaa TV-ga Xabiib 7 u sheegay in Dowladda Turkiga aysan Gantaalada lidka Diyaaradaha ee S-400 aysan ku dari doonin habka difaaca ee NATO.

Fikri Isik,waxaa uu sheegay in labada dhinac aysan wali heshiis saxiixin laakiin ay ku dhowyihiin in ay heshiiyaan,waxaana uu ballan qaaday shuruudda Ruushka ee ah in Gantaalahaas uusan turkiga u gacan gelin NATO.

Xiriirka Ankara iyo Moscow ayaa hagaagay kaddib Afgambigii fashilmay ee Sanadkii hore ka dhacay Dalka Turkiga kaas oo inta badan fashilintiisa ay ka dambeysay Xukuumadda Moscow.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300