Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Nin ka mid ahaa Ergadii Koonfur Galbeed oo Afgooye lagu toogtay

Kooxo hubaysan, ayaa xalay fiidkii Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ka tirsanaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed

Ninkaan ayaa lagu dilay Buundada yar ee Magaalada Afgooye meel u dhaw oo uu ku lahaa goob ganacsi, waxaana toogtay dhalinyaro ku hubeysnayd Bistoolado.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Haabiil Abuubakar, wuxuuna ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano nawaaxiga Buundada yar ee Degmada Afgooye, halkaasi oo goob ganacsi uu ku lahaa.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa xaqiijiyay dilka, waxayna sheegeen inay baxsadeen raggii falkaan dilka ah ka dambeeyay.

Ammaanka Degmada Afgooye ayaa noqday maalmahan dambe mid sii xumaanaya, waxaana si joogto ah uga dhaca falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka oo ay qayb ka tahay dilalka qorsheysan.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa ku fashilanay ka hortagga falalka ammaanka iyo ka daba taga dhacdooyinka amnidarada ee ka dhaca Magaaladaasi.

Al Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay dili doonaan ruux kasta oo ka tirsan Ergada wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300