Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Maxkamad Laashay Rafcaan Uu Soo Qortay Nin Somali-Maraykan Ah.

Maxkamad Federl ayaa sheegtay inay dib-u-dhegeysan doonin  Rafcaan uu qaatay Maxamed Maxamuud, kaasi oo horey loogu xukumay 30-sanno, kadib, markii lagu helay inuu qarax ka geysan lahaa magaalladda Portland ee Gobalka Oregon bishii November ee sannadkii 2010-kii.

3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda 9-aad ee Maxkamadaha Rafcaanka Maraykanka waxay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay laaleen Rafcaan uu soo gudbiyey Eedeysanahaasi.

Maxamed Maxamuud waxa uu yimid Maraykanka isagoo 3-sanno jir ah, wuxuuna helay Muwaadinimadda Maraykanka, waxaana lagu helay inuu Mobayl u adeegsan lahaa sidii uu ku qarxin lahaa Gaari, iyadoo qaraxaasi mid macmal ah oo ay ,  Saraakiil ka tirsan BFBI-da iska dhigeen inay ku taageerayaan Qaraxaasi. Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu dhawaan diiradda saaray Kiiska Eedeysanaha Maxamed Maxamuud, kadib, markii uu Madaxweynuhu dib-u-eegis ku sameeyey Xayiraadda Socdaalka ee la saaray dadka ka imaanaya Somalia iyo 5 dal oo Muslim ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300