Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Guddoomiyaha Midawga Afrika oo Maanta Muqdisho imaanaya

Diplomaasi African ah oo diiday inuu magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadol in gudoomiyaha Midowga Africa uu maanta oo sabti ah soo booqan doono magaalada Muqdisho.

Mas’uulkaasi ayaa sheegay in gudoomiye Musa Faki Maxamed uu kula kulmi doono magaaladani Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Diplomasigaan ayaa u sheegay wakaalada in gudoomiyaha uu u muujin doono Farmaajo sida ay Midowga Africa u garab taagan tahay Soomaaliya xaaladaha abaare iyo la dagaalanka Al-shabab.

Booqashada gudoomiyaha ayaa noqon doonta mid taariqi ah xili ay Soomaaliya ay wajahayso abaare aad u daran.

Faki ayaa magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia shalay kula kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Gelle oo ay kawada hadleen xaalada gobolka sida amaanka iyo abaaraha ka jira Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300