Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Dowladda Malaysia Oo Sheegtay Inay Ciiddamo U Soo Dirayso Somalia

Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqay mar uu Sii-haya Ku-xigeenka RW Xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte kula kulmay magaalladda Kuala Lampur.

Wargeyska The Star Malaysia ayaa qoray inuu Wasiirki sheegay inuu go’aanka Ciiddanka loogu soo dirayo Somalia qaatay, kadib, markii ay Dowladda Somalia ka codsatay arrintaasi.

Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein waxa uu tilmaamay in Golaha Wasiiradd Malaysia shalay oo Jimco ahayd ansixiyeen ciiddanka loo dirayo Somalia, wuxuuna xusay inay 3 Sarkaal iyo 17 Askari oo ka tirsan Qeybta Caafimaadka ee Milliteriga Malaysia.

“Koox ka kooban Ciiddanka Lugta o ok kooban 1 Sarkaal iyo 10 Askari ayaa iyagana sugi doona Ammaanka Ergadda Malaysia” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Malaysia.

Mar uu ka hadlayey halka ay Ciiddankaasi ka soo ambabixi doonaan, wxa uu Wasiirki tilmaamay Ciiddankaasi oo wata Hubkooda laga soo diri doona Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Waxa uu sheegay in Ciiddankaasi loogu xushay in Somali loo soo diro Khibradooda iyo xeelladii ay dadka u dhashay Malaysia uga soo daad-gureeyaan dagaalka ka socda dalka Yemen.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Malaysia, Datuk Seri Hishammuddin Tun Hussein waxa uu intaasi ku daray inay Codsiyo Taageero ka heleen Sacuudiga, Baxrayn, Qatar iyo dalal kale oo ka tirsan Urur-gobaleedka K/bari Qaaradda Asia ee ASEAN oo ku aadan Hawlaha Gurmadaka loo fidinayo dadka ku macluulsan Somalia.

Sidoo kale, Dowldda Malaysia ayaa sheegtay inay soo dirayaan Diyaarad Xamuul oo nooceedu yahay  1 130 Hercules, taasi oo wada shixnad ka kooban Daawo iyo Raashin Gargaar ah

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300