Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Dilal xalay ka dhacay Boosaaso iyo Buuhoodle & howlgallo ka socda

Magaalooyinka Boosaaso iyo Buuhoodle waxaa ka socda howlagllo ay sameynayaan Ciidamada Maamulka Puntland kaddib markii xalay labadaasi Magaalo lagu  ay ka dhaceen weerarro qorsheysan.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa lagu toogtay Sarkaal ka mid ah Ciidamada Badda Maamulka Puntland kaas oo uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaas laguna dabiibayo Isbitaalka ku yaalla Magaalada.

Ciidamada amaanka ayaa wada saaka howlgal ay ku doonayaan in ay ku soo helaan Dadkii xalay toogashadaasi geystay oo markaas ka baxsaday goobtii ay falkaas ka geysteen.

Dhanka kale Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn waxaa lagu dilay Ganacsade ka mid ahaa dadka degaanka,waxaana dilay koox Baskooladu watay sida la sheegayo.

Kooxda dilka geystay ayaa baxsaday waxaana Magaalada ka socda baaritaan dadkaas lagu raadinayo,Ganacsadaha la dilay ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana uu waligii degganaa Magaalada Buuhoodle.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300