Published On: Sat, Mar 18th, 2017

Al-shabaab oo Dadka ku Hoos nool u Ogalaaday in ay Gargaar raadsadaan

Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday inay u ogolaanayaan dadka abaaruhu sameeyeen ee ku sugan degaanada ay gacanta ku hayaan ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya si ay u raadsadaan cuno balse waxaa taagan carqaladeenti ay ku hayeen hay’adaha gargaarka inay tagaan deganadooda.

Madaxa gudmadka abaaraha ee Al-shabab Sheekh Suldan Calaa Maxamed ayaa sheegay inaysan u diidi doonin dadka inay deganadooda ka baxaan ayna raadsadaan cuno iyo biyo ayna xor u yihiin meel waliba ay tagayaan.

Madaxa Xafiiska gurmadka Bini aadanimo Jastin Bardi ayaa horey u sheegay inay qaabileen dadka kasoo baxay deganada Al-shabab ee gurmadka soo raadsaday balse waxa uu walaac ka muujiyay suurta galnimada in dadkaasi ay ku laabtaan deganada Al-shabab.

Madaxa gurmadka abaaraha Al-shabab ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan gurmad ay iyagu dadkaasi u sameeyen.

Waxaa laga digayaa in hadii aysan bisha April roobabkii Gu a aysan dain ay dhalan karto macluul daran.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300