Published On: Fri, Mar 17th, 2017

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Maamulka Hirshabelle Mahad Xuseen Cismaan ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu qaadayo howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Wasiir Mahad ayaa xusay in howlgalladan ay noqon doonaan kuwa la isugu furayo Magaalada Buuloburde iyo Degaanada kale ay gacanta ku hayaan Xoogaga Al Shabaab.  Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in qorshahooda ugu horeeya uu yahay sidii la isugu furi la haa Degaanada iyo Degmooyinka hoostaga Maamulka Hirshabelle.

Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 10 sanno ku jirta go’doon waxaan tiro dhowr jeer ah la isku dayay in laga qaado go’doonkaasi balse ma aysan guuro gelin.  Wasiirka ayaa ugu dambeyn shaaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay go’doonka uga qaadi doonaan Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iminka ay soo idlaatay diyaarinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xubnahan ayaa waxa ay sheegeen 20-ka Bishan aynu ku guda jirno in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed bilaabi doonaan ka doodista Mooshinka laga gudbinayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Shariif Xasan ku eedeynaya in uusan waxba u qaban shacabka Koonfur Galbeed, iyaga oo sidoo kale sheegay in waqtiga uu ka idlaaday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayay ka dalbadeen in 20-ka Bishan uu u furo kalfadhiga xubnaha xildhibaanada, si ay u horgeeyaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlaya arrintan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300