Published On: Fri, Mar 17th, 2017

Markabkii lagu haystay Caluula oo la siidaayay

Dableydii xeebaha degmada Caluula afduubka ugu haysatay markabka xamuulka ah ayaa siidaayay xalay fiidkii, sida ay BBC u xaqiijiyeen qaar ka mid ah raggaasi iyo weliba dadka deegaanka.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay dableyda ku qanciyeen in ay siidaayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, isla markaana aanay jirin wax lacag madax furasha ah oo la siiyay.

Markabka oo shidaal siday ayaa dableydu waxa ay Isniintii ka qafaasheen xeebaha Puntland.

Afduubka markabka ayaa ah kii ugu horeeyay ee xeebaha Soomaaliya ka dhaca muddo 5 sano ah.

Ragga afduubka sameeyay ayaa sheegay in ay yihiin kalluumeysato dhibaato badan kala kulmay maraakiibta sidda sharci darrada ah uga jillaabata xeebaha Soomaaliya.

Koose Yuusuf Xaaji oo ka mid ah odayaasha gacanta ka geystay in markabka la sii daayo ayaa BBC u sheegay in markii la siidaayay ay galbiyeen ciidammada badda ee Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300