Published On: Fri, Mar 17th, 2017

Madaxweynaha Uganda oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo arimaha Somalia

Madaxweynaha Dowldda Uganda, Museveni, ayaa lagu wadaa in gaaro Dalka Britain, bisha soo socota ee May si uu uga qeyb galo Shir looga hadlayo arimaha Dalka Soomaaliy.

Shirkan ka dhici doona Magaalada London ayaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Museveni, ayaa qeyb ka noqon doona Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi looga hadli doono amniga, horumarka iyo abaaraha xoogan ee ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa ah mid taageero loogu muujinayo Dowladda Soomaaliya.

Sikastaba, Dowladda Uganda ayaa qeyb ka ah Dowladdaha Ciidamada ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo Dagaal xoogan kula jira Xarakada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300