Published On: Fri, Mar 17th, 2017

Maamulka Hirshabellle oo qaadaya Dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab

 

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Maamulka Hirshabelle Mahad Xuseen Cismaan ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu qaadayo howlgallo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Wasiir Mahad ayaa xusay in howlgalladan ay noqon doonaan kuwa la isugu furayo Magaalada Buuloburde iyo Degaanada kale ay gacanta ku hayaan Xoogaga Al Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in qorshahooda ugu horeeya uu yahay sidii la isugu furi la haa Degaanada iyo Degmooyinka hoostaga Maamulka Hirshabelle.

Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 10 sanno ku jirta go’doon waxaan tiro dhowr jeer ah la isku dayay in laga qaado go’doonkaasi balse ma aysan guuro gelin.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn shaaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay go’doonka uga qaadi doonaan Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300