Published On: Fri, Mar 17th, 2017

Labo Nin oo Odayaal ah oo la sheegay in ay Haraad ugu dhinteen Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee Shalay ay Halkaas ugu dhinteen Labo Nin oo Oday ah Haraad iyo Gaajo.

Labada Nin Ee Odayaasha ah ayaa Meydadkooda laga soo qaaday Meel u dhow Degaanka Baxdo sida uu Xaqiijiyay mid kamid ah Nabaddoonada Reer Galmudug oo ku sugan Degaankaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Odayaasha ay u dhinteen Gaajo iyo Haraad kadib markii ay waayeen wax ay Cunaan iyo wax ay Nafta ku qabtaan intaba.

Abaarta ka jirta Dalka ayaa Sababtay in ay u dhintaan Dad badan,iyadoo Dadka ay sido kale Xoolihii dhaafeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300