Published On: Fri, Mar 17th, 2017

Guddiga Abaaraha “Ma muuqdo Doorka Beesha Caalamka”

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay in aysan weli muuqan Doorka xubnaha Beesha Caalamka ay ka qaadanayaan Abaaraha.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay balan qaadeen lacago, balse ilaa iyo hada aysan jirin lacag soo gaartay Guddiga Gurmadka Abaaraha heer Federaal.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, si loo bad baadiyo dadka dhimanaya.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo isu bedelay macluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan degaanada miyiga, Dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo u badan Beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300