Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Xildhibaan sheegay in Shirkado Waaweyn ay Xaalufin ba’an ku hayaan Biyaha Soomaaliya.

Iyadoo Maraakiibta iyo Doomaha Shisheeye ay Xaalufin Ba’an ku hayaan Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa  ka hadlay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in waxa haatan ka soconaya Biyaha Soomaaliya yihiin Bililiqo xoogan oo aan Geed loogu soo gamban kuwaas oo ay ku kacayaan Shirkadaha Waaweyn ee Kalluumeysiga Caalamka.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil aya ku nuux nuuxsaday in Biyaha Soomaaliya ay uga faa’ideysanayaan Shirkadahaasi , Ciidamada Badda oo aan Tayo iyo cudud ku filan in ay difaacaan Biyaha Dalka aan lahayn.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Arrimahaan oo kale marka lagu arko Biyaha Soomaaliya looga hortagi jiray Diyaaradaha iyo Doomaha oo ay lahaayeen Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Badda.

Maraakiib Shisheeye ayaa la sheegaa in si sharci Darri ah ay Kheyraadka Biyaha Soomaaliya uga uga Jillaabtaan kuwaas oo aanu jirin  cid wax ka qabata.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300