Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Xildhibaan Dalxa oo Tallaabo Horumar leh ku tilmaamay Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK uu ku yimid Soomaaliya

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo u Warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho  ayaa Guul ku tilmaamay Booqashadii shalay uu Dalka ku yimid Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain  iyo Booqashadii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka sii horreysay.

Mudane Dalxa ayaa xusay in Tani ay muujineyso Horumarka ay dooneyso in ay ku tallaabsato Dowladda Cusub ee uu majaraha u hayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

“ Booqashooyinka nuucaani ah waxa ay ka dhigan yihiin Tallaabo horay loogu qaadayo dhanka Horumarka “ ayuu  hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Shalay ayey ahayd markii Booqasho aan horay loo shaacin uu ku yimid Dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300