Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Laba ruux oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya, Kooxo hubaysan ayaa toogtay labo ruux oo sida la sheegay ahaa dad xoolo dhaqato ah.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Maqasiya oo 15-KM u jirta Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kadib markii dabley hubaysan oo iyagana la sheegay inay ahaayeen xoolo dhaqato ay toogteen labadaasi ruux.

Dadka la dilay, ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay C/naasir iyo Garuun, waxaana dilkaasi fuliyay dad tiradooda lagu sheegay illaa shan ruux oo xoolo dhaqato ah.

Muran ka dhashay arimo u dhaxeeya Xoolo dhaqatada dhexdooda ayaa sababay in labadaasi ruux la toogto, iyadoo saaka meydkooda lagu arkay deegaankii dilka uu ka dhacay.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay wadaan Baaritaanada ku aadan sababta dilka ka dambeysay.

Waxa ay sheegeen inay tagayaan goobta dilka uu ka dhacay si loo dabagalo falka dilka ah ee dhacay, inkastoo la sheegay dadkii dilkaasi ka dambeeyay inay baxsadeen.

Xaaladda Deegaanka dilka uu ka dhacay ayaa saaka waxaa lagaa dareemayaa jawi kacsanaan ah oo ku aadan labadaasi ruux ee la dilay xalay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300