Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Haweeney lala xiriirinayo Al Shabaab oo Maxkamad lagu soo taagayo Dalka Kenya.

Haweeneydaan oo 60 jir ah laguna magacaabo Rose Awinja Ondumu ayaa lagu eedeeyay in ay la shaqeysay Xubno ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Booliska ayaa haweeneydan ku eedeeyay in ay lacag u heysay Anwar Yogan oo ka mid ah Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab, kaasi oo ka soo jeeda Dalka Kenya.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in eedeysane Rose la soo taagi doono Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Balse Haweeneydan ayaa beenisay in ay ku lug leedahay eedeymaha loo soo jeeday ee ku aadan in ay xiriir la leedahay Xoogaga Al Shabaab.

Maxkamadaha kala duwan ee Dalka Kenya ayaa tiro dhowr jeer waxaa ka soo muuqday Muwaadiin Soomaali iyo Kenyaan isugu jira kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay xiriir dhow la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300