Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Amiir Shabaab ahaa oo Muqdisho lagu dilay

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay xalay Magaalada Muqdisho ku dileen nin la sheegay in uu ahaa Amiir Ururka Al Shabaab ka tirsan, si qarsoodi ahna kaga hawlgelaayay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhaqaaqay guri uu ninkaasi kaga sugnaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, iyagoona halkaasi ku toogtay.

Ka hor inta aanay labada ciidan dilin ninkaasi, ayaa waxaa ay ku amrayn in sharciga uu isu soo dhiibo, iyadoo taasi bedelkeedana uu iska caabin ugala horyimid.

Ciidamada ammaanka, ayaa ugu dambeen toogasho ku dilay ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Amiir Jacfar, iyagoona kala wareegay laba qori oo uu haystay, oo midi uu saban/baasuuke yahay.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Heliwaa, Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa sheegay in xoogaga ammaanka ay helayn xogta ku aadan ninkaasi, ka dibna ay ku dhaqaaqeen hoygii uu ku sugnaa.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa isna sheegay in Amiir Jacfar uu ahaa Amiirkii mintidiinta Shabaabka ugu magacawnaa xaafadda Suuqa Xoolaha.

Xalane, ayaa waxaa uu ku hanjabay in nin kasta oo dil ama dhibaato ka gaysta Magaalada Muqdisho, uu ugu dambeen ku bixi doono gacanta Ciidamada Qaranka.

Inta badan dadka Somaliyeed, ayaa waxaa naadir ku ah in ay maqlaan Ciidamadii Qaranka oo sur-gooyay xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada ee dagaalka ka wada Somaliya.

Tani waa mid ay soo dhawaynayan shacbiga Somaliyeed, oo aalaaba maqla Shabaabka oo dil iyo qaraxyaba ka gaysta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300