Published On: Wed, Mar 15th, 2017

NISA oo hawlgal dad badan lagu soo qabtay ka fulisay Muqdisho

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed, ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa ay ka fuliyeen hawlgal ballaaran  oo lagu sugaayay ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordheen falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka oo Muqdisho ka dhacaya.

Ciidanka NISA ayaa hawlgalkaan ka fuliyay dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ka soo qab qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo ciidamada ay gacanta ku hayaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada NISA, ayaa Dhacdo.com u sheegay hawlgalka in laga fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Hodan iyo Wardhiigley, halkaasi oo dad badan laga qab qabtay.

Hawlgalka ayaa waxaa lagu qabtay dad badan oo xalay la geeyay xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Saraakiisha sar sar ee Hay’adda Nabad Suggida ayaa ku amray ciidamada inay ka digtoonaadaan weerarada Shabaab ay maleegayaan, sidoo kalena ciidamada ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan xarumaha ciidamada ay ku sugan yihiin.

Saraakiisha NISA waxa ay sheegeen inay sii wadayaan hawlgalada amniga lagu xaqiijinaayo, dhalinyarada la qabtay, kuwii dambi lagu waayo la sii deynaayo, kuwii kalena sharciga la horgeynaayo.

Al Shabaab oo aanan laga dhex aqoonin Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxa ay ka fuliyaan Magaalada gudaheeda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300