Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Wiil uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye oo la Afduubtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Gurigiisa lagala baxay Wiil uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed(Iideey)iyadoo aan illaa hadda la ogeyn Cidda Afduubatay iyo halka lala aaday.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Koox Afka soo Duubtay ay Guriga kala baxeen Wiilka uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Afgooye.

Dhanka kale Labo Haween ah ayaa Xalay lagu dhaawacay Gudaha Degmada Afgooye,iyadoo Maamulka Degmada uusan weli ka hadlin Dhacdooyinka laga soo sheegayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300