Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeyay Geerida Diblomaasi Ahmed Mohamud Ibrahim

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga.

Waxaa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Diblomaasi sare Axmed Maxamuud Ibraahim, Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda oo March 13, 2017 ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Stanbul ee dalka Turkey, waxaanu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe uu la dhibanaa.

Marxuum Ahmed Mohamud Ibrahim oo muddo 29 sano ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda, ayaa waxa uu si rasmi ah kaga mid noqday howlwadeennada Wasaaradda sanadkii 1988.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300