Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Isu soo bax maanta la filaayo inuu ka dhaco Muqdisho

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho dadka ay ku dukadaan Salaad Roobdoon ah, kadib markii Madaxweynaha Somaliya Farmaajo uu ku baaqay Bulshada inay isugu soo baxaan Salaad Roobdoon ah, maanta oo tallaado ah.

Salaada Roobdoonka ah ayaa la filayaa in lagu dukado Masaajidka Isbaheysiga ee Degmada Waaberi ku yaal, halkaasi oo boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan ay tagi doonaan.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadooyinka hareer mara Masaajidka Isbaheysiga, sidoo kale ciidamada waxa ay xireen nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Culimadda Somaliyed iyo qaybaha kala duwan ee dadka ayaa ku duceysan doona Masaajidka Isbaheysiga, halkaasi oo Alle looga baryi doono in Bulshada uu ugu deeqo raxmadiisa, maadaama dalka ay ka taagan tahay xaalad adag.

Muwaadiniin badan oo Somaliyed, ayaa noloshooda Qatar ku jirto marka la eego xaaladaha adag ee dhanka nolosha ah oo ay ku sugan yihiin, maadaama dalka abaar Qatar ah ay ka jirto.

Madaxda dowladda ayaa la filayaa dadka inay u khudbeeyaan, kuna baraarujiyeen in loo gurmado Bulshada ay haysato dhibaatada adag ee abaaraha ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300