Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Gaari Xamuul Ah oo Saaka ku gubtay Degmada Deyniile

Sida ay Mustaqbal usheegeen dadka Deegaanka waxaa dab uu ka kacay Gaari Xamuul ah oo siday ama ku rarnaa Balka Xoolaha Lasiiyo xilli uu marayey Degmada Deyniile.

Agagaarka Kulliyadii Jaalle Siyaad ayaana la sheegay in gaariga uu ku gubanayo iyadoo ay socdaan dedaalo lagu daminayo.

Wararka waxay sheegayaan in dabka uu ka dhashay Sigaar uu cabayey Darawalka oo matoorka Shidaalka meesha gaariga looga shubo uu ku tuuray.

Waxa sii kordhiyey in dabka uu xoogeysto Balka gaariga uu waday oo keentay in Dab damisyo loo yeero si ay udamiyaan.

Muddo kadib waxaa lagu guuleystay in Dabka la bakhtiijiyo,iyadoo Xaaladu ay caadi kusoo laabatay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300