Published On: Tue, Mar 14th, 2017

Ciidamada Booliska oo ku fashilan suggida ammaanka Muqdisho

Ciidamada Booliska Somaliya ayaa si aad ah waxa ugu fashilan yihiin suggida ammaanka Magaalada Muqdisho iyo hubinta gaadiidka dhexmara Magaalada, xilli Isgoyso badan ay taag taagan yihiin ciidamada Booliska

Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaa ku sugnaan jiray ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya, balse hadda waa laga qaaday sababo ku aadan in Booliska ay ilaaween shaqadii suggida ammaanka, ayna ku mashquuleen shaxaadka dadka wata gaadiidka yar yar ee halkaasi mara.

Sidoo kale ciidamada Booliska waxaa laga aaday Koontaroolka ciidan ee ku yaallo tiyaatarka Magaalada Muqdisho, waxaana looga qaaday sabab la mid ah tii Sayidka looga raray ciidamada Booliska.

Ciidamada oo shaqadooda ay tahay suggida ammaanka iyo baarista gaadiidka yar yar ayaa lagu arkayaa Isgoysyada ay joogaan, iyaga oo weydiisanaya darawalada gaadiidka inay bixiyaan lacag, hadii kalena ay ka noqdaan wadada, taasi oo ah Isbaaro dadban.

Ciidankii laga qaaday Isgoyska Sayidka, ayaa la geeyay Suuqyaraha Sayidka, halkaasi waxa ay ku dhibeen ciidamada Booliska Mootooyinka yar yare e Bajaajta loo yaqaan, waxayna ka qaataan lacag, hadii uu bixin waayo wadaha Mootada lacagtaasi dib ayuu kaga noqonayaa wadada.

Wariyaha Shabakada Dhacdo.com ee Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay darawalo badan oo kaxeeya gaadiidka yar yar iyo Mooto Bajaajta, kuwaasi oo u sheegay Wariyaha inaysan garaneyn cid ay kaga dacwoodaan ciidamadan Booliska ka tirsan ee u xuubsiibtay dhaca dadban ee shacabka ay ku hayaan.

Sidoo kale ciidamada Booliska ee taagan Isgoyska Dabka, ayaa dhibaato ku haya rayidka wadadaasi isticmaala ee gaadiidka yar yar wata, waxayna ciidamada weydiinayaan lacag, hadii uu bixin waayana waxa ay weydiinayaan aqoonsi dowladeed inuu wato, hadii kale uusan mareyn wadada.

Majirto Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo kormeer ku sameeya ciidamada Booliska ka tirsan ee dhibaatada ku haya dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Booliska oo shaqadooda ay tahay suggida ammaanka ayaa hadda u muuqda inay ku fashilmeen arintaasi, maadaama shaqadii loo igmaday ee hubka qaranka loogu dhiibay aysan si rasmi ah ugu adeegin Bulshada.

Taliyaha Booliska Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku dadaala tayada ciidamada Booliska Somaliya, ayaa looga baahan yahay inuu tallaabo ka qaado askarta caadeysatay lacagta sharcidarada ah inay ka qaadaan shacabka, xilli dowladda ay si joogto ah u siiso Mushaarka ciidamada Booliska.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300