Published On: Mon, Mar 13th, 2017

Madaxweynaha Somaliya oo amray in dhaawaca Wariye Karasaay loo qaaday dibadda

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa amray in dhaawaca farsama-yaqaanka ka tirsan tv,ga Universal loo qaado dibadda, si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad

C/xamiid Maxamed Imaan (Karasaay), ayaa shalay ku dhaawacmay qarax lagu soo xiray gaarigiisii, waxaana uu qaraxan ku haleelay meel aan ka fogayn Masaajidka Marwaas, oo ku yaala Degmada Xamar Weyne.

C/xamiid Maxamed Imaan oo ka dhaawacmay garabka illaa sinta, ayaa waxaa dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Degmada Wadajir, iyadoona qaliin lagu sameeyay.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa amray ku bixiyay in maanta oo isniin ah farsama-yaqaanka loo qaado Magaalada Qaahira ee Xarunta Wadanka Masar, si uu u helo daryeel wanaagsan.

Hadalka Madaxweynuhu waxaa uu ka dambeeyay markii uu Xarunta Madaxtooyada Somaliya uu ku qaabilay Milkiilaha Telefishinka Universal, Eng. Axmed Abuubakar iyo Agaasimaha Telefishinka ee Bariga & Bartamaha Afrika, C/laahi Xersi Kulmiye.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa muddooyinkanba ku soo badanaayay qaraxyada lagu soo xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay, iyadoo markaasi lagu waxyeeleynayo bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho iyo Shaqaalaha Dowladda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay fal dembiyeed kasta ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300