Published On: Mon, Mar 13th, 2017

Booliska Kenya oo xiray xaasaska labo Nin oo Kenyan ah kuna biiray Al-shabaab

Booliska Dalka Kenya ayaa waxaa ay xabsiga u taxaabeen  labo Haween ah oo ay ku eedeeyeen in aysan Booliska ku wargelin Raggooda oo ku biiray Al-shabaab.

Eunice Wanjiku Wachira iyo  Caroline Mwangi,ayaa maalinta Berri ah ka soo muuqan doona Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dalka Kenya waxaa ka jira sharci ah in qofka Kenyanka ah ay waajib ku tahay wargelinta Booliska haddii uu qof kale uga shakiyo ku lugyeelashada Al-shabaab ama Ururro kale oo ay Dowladda Dagaal kula jirto.

Mid ka mid ah Haweenkan ayaa Odaygeeda la kulantay Bishii August ee 2015kii,waxaa uu ahaa Nin iibiya Kabaha gacanta labaad ah,waxaana la xaqiijiyay in uu hadda ku biiray Al-shabaab.

Caroline,ayaa iyana lagu eedeeyay in ay ka warqabtay safarka Odaygeeda ee Soomaaliya oo ay booliskuba sheegayaan in ay safarkiisa fududeysay 2016kii.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300