Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Jubbaland oo Mooshin ka diyaarinaya Madaxweynaha Maamulkaas.

Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo la hadlayay Idaacadda Shabelle  ayaa ka hadlay Mooshin ay waadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Jubbaland kaas oo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Waxa uu sheegay Mudane Bashiir Faaqid in Xildhibaanadu ay xaq uu leeyihiin in Masuul weliba oo waajibaadkii loo igmaday gudan waayo in Kalsoonidooda ay kala laabtaan.

Sidoo kale Xildhibaan Bashiir Faaqid ayaa hoosta ka xariiqay in markii uu dib u furmo Kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ay la Xisaabtami doonaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Golihiisa Wasiirada.

Dhinaca kale Xildhibaan Bashiir Faaqid ayaa sheegay in  Abaar baaxad leh ay ka jirto Gobolka Gedo oo uu baaqasho ku tagay.

Sidaas daraadeed ayaa baaq ugu jeediyay Masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Jubbaland  iyo Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Beni’aadanimada in Gobolka Gedo Gurmad Deg Deg ah ay u fidiyaan.

Inta badan Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay Abaaro daran oo Beesha Caalamku ka digeen in ay isku bedesho Abaarahaasi Macluul xoogan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300