Published On: Sun, Mar 12th, 2017

WAR DEG DEG AH:- Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Siinaay ee Degmada Warta-nabadda ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah Qarax lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan halkaasi.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Bambo-gacmeedka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Ciidamo ku sugan Isgoyska Siinaay ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada la weeraray ayaa Rasaaas fara badan waxa ay u rideen afarta jiho, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare, sida ay markacadeey u sheegeen saraakiisha ammaanka Dowladda Federaalka.

Kooxihii weerarkan ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Labo dhalinyaro ah oo hubeysnaa, Daqiiqado kadib Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa goobta gaaray.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan weerarkan iyo sidii loo soo qab qaban lahaa raggii ka dambeeyay falkan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300