Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Talo soo jeedin ku socoto Madaxda Qaranka

8dii bishii 2aad waxaa dalka doorasho rabitaan shacab lagu doortay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo shacabka Soomaaliyeed-na ay si xamaasadeysan u soo dhaweeyen.

Waxaan anigu ka mid ahaa shacabkii is bedelkaa ku faraxsanaa taasoo aragti ahaan ii muuqatay in laga maarmaan ay tahay in lahelo dowlad katurjimaysa rabitaan shacab.

Dulucda hadalkayga:

Mudane Madaxweyne iyo Mudane Ra’iisal Wasaare dalku waa federaal, dastuurkiisanu waa qabyo, waxaan jeclaan lahaa in aad ila wadaagtaan talooyinkan:-

Muqdisho waa caasimadda umadda Soomaliyeed, waana magaalo ay ku nool yihiin shacab lagu qiyaaso 3 milyan.

Muqdisho waxay tabanaysaa cadaalad darro, billihii la soo dhaafay.

Muqdisho waxay leedahay xildhibaano ka soo jeeda, kana tirsan dowladda dhexe, kuwaa oo ka duwan kuwii horey u meteli jiray.

Waxaan wada tashiyo iyo kulamo badan ka dib aan jecleystay in taladaaa ay ila wadaagaan madaxda, taasoo aan rajeynayo in ay gaari doonto.

Muqdisho waxaa maamulkeeda laga xiray koontadii ay laheyd, iyadoo aan la xirin koontooyinkii gobolada kale ee dalka, maadama ay maamul ama dowlad goboleed ahaan awood qaybsiga ay xuquuqdooda ku hilayn, halka Muqdisho ay helin cadaaladda ay heleen gobollada dalka xuquuqda ay ku naaloonayaan.

Waxaan si cod dheer ah ugu gudbinayaa madaxda sare dalka in wax waliba ee quseeya caaaimadda Muqdisho laga samaynayo ay xuquuq u leeyihiin Xildhibaannada kasoo jeeda iyo tallaabo waliba ee kusaabsan hoowlaha gobalka banaadir.

Gebegabadii:

Haddii madaxda dalka aysan wada tashiyo la samayn Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Banaadir, waxay dhalin doontaa sharci-jebin ka mid ah dastuurka dalka, taa oo aanan u wanaagsanayn hagaajinta iyo awood qaybsiga dalka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300