Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Suxufi ka tirsan Tv-ga Universal oo ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray

Wararka aan ka helayo Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu ka dhacay qarax, qaraxaasi oo ah mid lagu xiray gaari nooca raaxadda ah oo halkaasi maraayay.

Gaarigaan ayaa waxaa watay Suxufi ka tirsan Tv-ga Universal oo lagu magacaabo Cabdi Xamiid Karazaay, kaasi oo maraayay nawaaxiga Masaajidka Marwaaz.

Dhaawaca ayaa wariyaha wuxuu ka soo gaaray dhanka garabka, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Sidoo kale qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo mid ka mid ah uu yahay arday, halka midka kalena uu yahay ruux ku sugnaa timo jare ku yaal laamiga dhinaciisa.

Ciidamada Nabad Suggida oo tagay goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan Baritaano ku saabsan dhanka ammaanka.

Qaraxa gaariga loogu xiray Suxufigaan ayaa Saraakiil NISA, waxa ay inoogu sheegeen inuu yahay nooca loo yaqaan dhajiska ee Baabuurta yar yar Shabaab ay ku dhajiyaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300