Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Shaqaalaha dekadda Berbara oo ka banaanbaxay Mushaar dhimis ay ku sameysay DP World

Qaar ka mid aha shaqaalaha dekadda Magaalada Berbera ayaa saaka dhigay banaanbax ay uga so horjeedaan mushaar dhimis ay ku sameysay Sharikadda DPWorld ee Imaaraadka laga leeyahay islamarkaana dhawaan la wareegtay maamulidda dekadda Berbera.

Shaqaalaha ka cabanaya mushaar dhimista ayaa waxaa ay ka biya diideen kaddib markii sharikadda ay us oo bandhigtay in ay qaataan Mushaarka ay ugu tala gashay ama shaqada isaga tagaan.

Shaqaalaha ayaa ka tirsan qeybta farsamada ee Dekadda,waxaana horay mas’uuliyiinta Somailand u ballan qaadeen in marka ay dekadda ku wareejiyaan Imaaraadka aan la dhimi doonin mushaaraadkooda.

Sharikadda Dubai Ports ayaa Dekadda Berbera si rasmi ah ula wareegtay 2-dii bishan,waxaana durba soo baxaya muran soo kala dhexgalay Shaqaalaha Soomaalida ah iyo Maamulka sare ee DPWorld.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300