Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Sargaal katirsan NISA oo Lagu weeraray Degmada Yaaqshiid

Gaari uu watay Sargaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in gelinkii dambe ee maanta weerar lagu qaaday gudaha Muqdisho.

Waxaa Sargaalkaasi beegsaday koox hubeysan iyadoo rasaas ay isweydaarsadeen wax dhibaato ahna meesha aysan ka dhicin.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Carafaat Ee Degmada Yaaqshiid waxaana goob jooayaal ay sheegeen in muddo ay xaaladu cakirantay balse markii dambe jawiga uu caadi kusoo laabtay.

Sargaalka la weeraray ayaa magaciisa lagu soo koobay Beer dilaacshe isagoo ka bad baaday iskuday lagu doonayey in lagu dilo iskacaabina uu sameeyey sida ilo wareedka la helayo ay sheegeen.

Ciidanka Dawlada ayaa goobta gaaray oo ka bilaabay meesha howlgal ay ku baadi goobayaan kooxdii weerarka ka geysatay Xaafadaasi.

Dilal qorsheysan ayaa waxay kusoo badanayeen maalmihii dambe Muqdisho xilli Saaka Qarax gaarigiisa loogu xiray uu ka bad baaday Cabdi Xamiid Karazaay oo ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal oo dhaawac uu soo gaaray.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300