Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Ra’iisal Wasaaraha oo amray in la joojiyo dhismayaasha ka socda nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amar ku saabsan in la joojiyo dhismayaal ka socda nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Dhismayaashan ayaa waxaa dhisanaya shirkado gaar ah oo la siiyay dhulka, waxaana ay ku dhaw yihiin xayndaabka Garoonka Aadan Cadde.

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu amray in la joojiyo dhamaan dhismayaashaasi, waxaana arintaan la ogeysiiyay Wasaarada Gaadiidka iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Warqada ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabi doono Guddi xaqiiqo raadin ah, kadib marka la soo magacaabo Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300