Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacmay oo midi yahay Darawalka  Gaari Qarax miino lagu xiray oo ku Qarxay Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qofka kaxeynayay Gaariga lala Bartilmaamsaday Qaraxaasi Miino uu ka tirsanaa shaqaalaha Telefishin Maxalli ah oo lagu Magacaabo UNIVERSAL waxaana Magaciisa lagu soo koobay Cabdixamiid Karazaay.

Waxaana Qaraxaasi kadib loola cararay mid ka mid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qof mareysay Wadada wax ka dhaceen ayaa iyaduna ku dhaawacantay Qaraxaasi.

Qaraxyada Miino ee Gaadiidka la isugu xiro ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Magaalada Muqdisho.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300