Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Odayaasha Garoowe oo digniin u diray Ciidanka gadoodsan

Qaar ka mid ah Waxgaradka kunool degaanada maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay Ammaan xumida kusoo korortay Magaalada Garoowe iyo sidoo kale ciidamada hubeysan ee la wareegay Kontoroolada Magaalada Garowe.

Waxgaradka ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada qabsaday qeybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland in ay jiraan kooxo dabada ka riixaya ,islamarkaana qaarkood aysan ka maqneyn mushaar.

Waxaa ay ugu baaqeen ciidamada in ay ka baxaan goobaha ay la wareegeen, islamarkaana ay joojiyaan Gadoodka.

Odayaashaan oo kulan ku yeeshay Garowe ayaa sidoo kale hoosta ka xaqiiqay in ay tahay wax laga xumaado in ciidankii loogu tala galay in amniga suggaan in ay xilligaan ku dhaqaaqaan falal amniga ka baxsan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300