Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay isu soo baxyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa uu shacabka Somaliyeed uu ugu baaqay in Talaadada soo socoto ay sameeyan isu soo baxyo roob doon ah.

Madaxweynaha Somaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa uu shacabka uu ku booriyay in ay salaad roob doon tukadaan maalinta Talaadada, si uu Alle uga dulqaado abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday abaaraha dalka ka jira in ay barbar socdaan cuduro halis ah, oo ay dadka ugu geeriyoonayan deegaanada ay ku nool yihiin.

Madaxweynaha, ayaa intaa ku daray in abaaraha iyo cudurada is garabsanaya ay qoysas fara-badan ku khasbeen in ay ka soo cararaan gobolada dalka, ee ay abaaruhu halakeeyen. Madaxweynuhu wuxuu markale qaylo dhaan ka muujiyay halista abaaraha.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddiga abaaraha, waxaa uu ku ammaanay in ay sameeyen isu deyo wanaagsan, oo loogu gurmanayo dadka.

Afhayeenka Culima’udiinka Somaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlaayay shirkaasi jaraa’id, ayaa sheegay in abaaruhu ka dhasheen dembiyada dalka ka dhacay.

Deegaanada Somalida oo idil, ayaa waxaa laga soo sheegaya xaalado adag oo ka dhashay abaaraha halakeeyay dad iyo duunyaba, iyadoo qaylo dhaantuna tahay mid isa soo tareysa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300