Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Maamulka Universaltv oo ka hadlay dhaawaca Wariye Karasaay

Agaasimaha, ayaa tilmaamay in qaraxan xalay lagu soo xiray gaariga, saakayna uu C/xamiid Maxamed Imaan kula qarxay agagaarka Masaajidka Marwaas ee Degmada Xamar Weyne.

Agaasimaha oo xaqiijiyay in qaraxa lagu rakibay kursigii uu ku fadhiyay C/xamiid Maxamed Imaan, ayaa sheegay in uu ka dhaawacmay garabka illaa iyo sinta, hadana ay xaaladiisu tahay mid degan.

Isagoo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in dhakhaatiirtu ay u sheegtay inaanay xaaladdu farsama-yaqaan C/xamiid Karasaay ahayn mid daran.

C/laahi Xersi Kulmiye oo la weydiiyay su’aal ahayd cidda qaraxan ku soo xirtay gaariga C/xamiid Karasaay, ayaa ku gaabsaday in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira qaraxaasi, isla-markaana aanay illaa iyo hadda haynin jawaab ku aadan, oo ay ka helayn laamaha amniga.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse waxaa si dhow loogu tuhmaya Ururka Al Shabaab, oo iyagu inta badan sheegta masuuliyadda qaraxyada ceynkani oo kala ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300