Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Gadoodka Ciidanka ee ka billowday Puntland oo maanta ka jira Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan Xarunta Villa Baydhaba ayaa waxaa ay ilaa hadda u xiran tahay Waddada Maka Al-Mukarrama oo ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan ee Muqdisho.

Ciidamadan oo la rumeysan yahay in ay ka gedoodsanyihiin mushaar la’aan ayaa diiday in ay la hadlaan Warbaahinta waxaana ay xireen Waddada. Ciidanka oo ka soo baxay Xerada Villa Baydhaba ayaa waxaa ay isku xireen Isgoysyada Zoobbe,KM4 ilaa Taleex,waxaana ay dhigeen dhagxaan iyo Silig.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in aysan muddo qaadan mushaar sidaas darteedna ay hadda billaabeen in ay gadoodaan si ay u helaan mushaaraadka ka maqan.

Arrintan waxaa ay ka soo billaabatay Puntland waxaana wali ay ka jirtaa halkaas iyada oo Ciidamo ka mid ah Daraawiishta Puntland ay xireen Koontaroollada laga galo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300