Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Diyaarado dagaal oo dulmaraya Magaalooyinka Jubbada hoose

Deegaanada Al Shabaab ay kusugan yihiin gobolka Jubbada Hoose ayaa lasoo sheegayaa in ay xalay ilaa Saaka aroortii diyaarado joog hoose kusocday ay dul heehaabayeen halkaasi.

Wararka waxay sheegayaan in Diyaaradahaan ay yihiin kuwo aan weli wax duqeymo ah fulin balse waxaa lasoo warinayaa in dad badan ay cabsi soo wajahday.

Deegaanada qaar ayey Al Shabaabku bilaabeen inay lidka diyaaradaha ay lasoo baxeen si ay uga hortegaan weerarka lagu soo qaado.

Diyaaradaha ayaa La Aaminsan yahay in dalka Kenya laga leeyahay taasi oo Saraakiisha Amniga Waddankaasi aysan weli wax faah faahin ka qaadan.

Tiro dhowr jeer ah ayaa duqeyn diyaaradeed lagu garaacay deegaano Al Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300