Published On: Sun, Mar 12th, 2017

Booliska Kenya oo baaraya 6 Qof oo ay kaga shakiyeen Al-shabaab

Ciidamada Booliska la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay qabteen ku dhawaad   qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab.

6-da qof ayaa lagu qabtay Howlgal ay si gaar ah u fuliyeen ciidamada Booliska oo ka dhacay Magaalo Xeebeedka Malindi ee dalka Kenya.

“Waxaan xirnay 6 qof oo aan ku hayno Caddeeymo muujinaya in ay xiriir toos ah lala leeyihiin Al-Shabaabka Soomaaliya ka dagaalama, marka dhawaan sharciga ayaan horkeeni doono ,inta badan Caddeymaha waxaana ka helay todobo teleefan oo ay wateen” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Magaalada Malindi Muchangi Matawa.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Taliyaha in  lixdaan qof dhalinyarada kunool Magaalada ay ku tashkiilin jireen in ay ku biiraan Al-Shabaab.

Tuhmaanayaasha  ay gacanta ku dhigeen ciidanka Booliska Kenya ayaa waxaa ka mid ah Haweenay la aaminsan yahay in Gabdhaha Kenya ay ku biirin jirtay Al-Shabaab ,islamarkaan ay kasoo gudbin jirtay Xadka Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300