Published On: Sat, Mar 11th, 2017

Xildhibaanada Hirshabelle oo ka hadlay saddex ruux oo Amisom ay ku dishay Degmada Mahadaay

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa waxa ay ka hadleen saddex ruux oo ciidamada Amisom ay ku dileen duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saddexdaan ruux oo labo ka mid ah Amisom ay kala soo baxeen hooygooda ayaa lagu dilay deegaanka Quracmadoobe oo Amisom Khamiistii galabteeda uu ku qabsaday dagaal kulul oo Shabaab ay ku soo qaadeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegay Amisom inay si cad oo bareer ah u dishay dadkaasi oo ah kuwa rayid ah, islamarkaana aanan waxba galabsan.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa sheegay dowladda dhexe iyo Maamulka Hirshabelle inay ka doonayaan baaritaan rasmi ah in lagu sameeyo dadka Amisom ay dishay.

“Meeshaas waxaa ka dhacay dhibaato, meesha waxaa degan dad xoolaleey ah oo u soo raadsaday daaqsin, balse waxaan leenahay shacabka iyo Shabaab waa ay kala duwan yihiin, saddex ruux ayaa la dilay guryo ayaa la baabi’iyay Amisom ayaana ku eedeynaynaa arintaasi, waxaan leenahay Xukuumadda iyo madaxda Hirshabelle in arintaasi Baritaan rasmi ah lagu sameyo.” Ayuu yiri Xildhibaan Daqare.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdulle Xuseen Shacleeye, ayaa sheegay dadka Amisom ay dishay qaarkood iyaga oo nool inay kaxeysteen, kadibna ay toogteen.

Dadkaasi oo rayid ahaa ayuu sheegay inay ka madax banaanaayeen dhinacyada dagaalka, balse illaa hadda uusan garin karin sababta ciidamada Amisom ay u beegsadeen dadkaasi shacabka ahaa.

Ciidamada Amisom ayaa xilliyada ay la kulmaan dagaalo culus oo kaga yimaado dhanka Ururka Al Shabaab waxa ay laayaan dadka shacabka ah ee ka agdhaw.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300