Published On: Sat, Mar 11th, 2017

Wiil dhalinyaro ah oo loo dilay Moobil dartiis

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in Wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka deegaanka xalay lagu dilay Magaaladaasi

Dilka Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dabley hubaysan ay doonayeen inay ka dhaceen taleefoonkiisa gacanta, balse uu ka dhaga adeegay arintaasi.

Kooxdii dableyda aheyd ayaa rasaas ku furtay wiilkaasi dhalinyarada ahaa, kadib markii uu diiday inuu dhiibo moobiilkiisa, waxaana halkaasi ku dhintay Axmed Sheekh Mayow oo ah Wiilka dhalinyarada ah ee diiday inuu dhiibo Moobilkiisa.

Dableydii hubaysneyd ayaa halkaasi ka qaadatay moobeelkiisa uu watay wiilkii ay dileen, waxayna ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen Baaritaan, balse ma suuragelin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Dilalka ay geysanayaan Kooxaha burcada oo xilliyada habeenkii ah dhaca ka geysata degmada Afgooye ayaa soo badanaya, iyadoo ciidamada aysan waxba ka qaban arintaasi.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay dhowr mar inay wax ka qabanayaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Degmadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300